Alaab (Goods) iyo adeeg (Services) way kala duwan yihiin marka laga eego dhinacyo farabadan.

Faraqa 1aad: Taabashada Gacanta

Taabashadu waa dareen aad ka dareemayso gacanta marka aad adeegsanayso gacanta. Balse sifadani waa sifada ugu muhiimsan ee kala soocida waxsoosaarka (Products) loo kala soocayo Alaab (Goods) iyo Adeeg (Service). Alaabta (Goods) waa la taaban karaa, gacantana waad ku dareemaysaa halka adeega (Service) aanad taaaban karin, gacantana ku dareemi karin.

Faraqa 2aad: Kaydinta.

Kaydinta ayaa ah sifada labaad ee lagu kala sooco amba lagu kala garto Adeega (Service) iyo Alaabta (Products). Waxaynu si fiican uga dharagsanahay in Waxsoosaarka loo kala qaybiyo labada nooc ee Adeeg iyo Alaab. Sidoo kale waxaynu ognahay in alaabtu nooc kasta oo ay tahay la kaydin karo si loo isticmaalo mustaqbalka. Tan cagsigeeda waxa ah oo aan la kaydin karin si mustaqbalka loo isticmaalo waa adeega waayo adeega shakhsi ayaa qabta oo inta shaqsiga la heli karo ayuunbaa laga faa’idaystaa.

Faraqa 3aad: Wareejinta Lahaanshaha

Lahaanshugu waa mulkiyada qofka bini aadamka u sugta inuu u isticmaalo wax kasta oo mulkiyadiisa leeyahay sifada uu rabo. Inkasta oo mulkiyada la wareejin karo hadana waa sifo asaasi ah oo iyaduna ka soocda laguna kala garto Adeega iyo Alaabta. Aan ku horeeyo Alaabta, mulkiyada Alaabta waa la wareejin karaa, waana mid ku wareegi karta. Alaabta waxa mulkiyadeedu ku wareegtaa hadba qofkii iibsada, waxaana ay mulkiyadu ku wareegtaa heshiis laba dhinac ah, iibiye iyo iibsade, iwm. Dhinaca kale, mulkiyada Adeegu maaha mid ku wareegta kala iibsi ee waxa ay ku wareegi kartaa barasho amba tababar. Balse si aad u hesho adeega hadaanad aqoon waa inaad mushkhayada siisaa qofka yaqaana adeega.


Faraqa 4aad: Dabciga Muqaal ahaan

Muuqaalku waa dabciga aragtida qaab ahaan indhaha laga arko waana faraqa afaraad ee lagu kala saaro Alaabta iyo Adeegyada. Ugu horayn, Alaabta (Goods) muuqaal ahaan waa la arki karaa halka adeegu (service) aanuu lahayn muuqaal indhaha lagu arko. Adeegu waa waxqabad amba hab wax loo qabto oo kooban.

Faraqa 5aad: Wakhtiga u dhexeeya Soosaaristooda iyo Isticmaalkooda

Alaabta iyo adeegu waxa sidoo kale ay ku kala duwan yihiin wakhtiga lagu soo saaro iyo wakhtiga la isticmaalo. Tusaale ahaan adeega waxa la isticmaalaa isla wakhtiga la soo saaro amba la qabto, halka Alaabta uu wakhti u dhexeeyo soosaaristooda iyo isticmaalidkeeda.

 

Faraqa 6aad: Ka Soocida Mulkiilaha

Kala soocida ayaa ah sifada 6aad ee lagu kala garto adeega iyo alaabta. Adeega (Services) lama kala sooci karo adeega iyo cidda bixinaysa waayo waa xirfad uu gaar ahaan u leeyahay. Dhinaca kale, Alaabta iyo cidda iska leh waa la kala sooci karaa maadaama oo ay tahay alaab la taaban karo.